Tuesday, August 18, 2015

Doorashada saaxiibka fiican.

Xikmad ayaa tidhaahda “qofka waxaa laga gartaa saaxiibka uu yeesho” 
waxa had iyo goor la arkaa in qofku uu la saaxiibo qof ay isku xagal waxka arkaan, ama ay wax uun wadaagaan haba yaraatee.
Saaxiibku waa qof aad ku kalsoonaatahay, oo aad la qaybsato ra’yigaaga, fikradahaaga iyo aragtiyahaaga gaarka ah ee xataa laga yaabo inaanad la wadaagteen waalidkaa ama dadkale oo kuu dhaw, waxa jira waxyaalo aanad jeclaateen in cidkale ogaato laakiin aad kalsooni ka dareento in aad la qaybsato saaxiibkaa ama saaxiibadaa, taas macnaheedu waxay tahay waa qof kaaga duwan dadka inta kale, kaaga dhaw, aad la qaadato wakhti kan ugu badan.
Adiga iyo qofka aad saaxiibka ka dhigatay waxa laga yaabaa inaad waxyaabo badan wadaagtaan, laga yaabaa inaad jeceshihiin siyaasada iyo ka faaloodka dhacdooyinka dalka ama kuwa dunida, laga yaabaa inaad wada xiisaysaan kubadda cagta, ama lagayabaa inaad aad uga heshaan akhriska sheekooyinka mala awaalka ah, amaba u safrida meelo aanad hore u arag, ama waxyaaloo kale, siday doontaba ha ahaatee tani macnaheedu maaha inaad waxwalba iskaga mid tihiin, waxa dhici karta in qofka aad saaxiib ka dhigatay uu ku soo koray deegaan ka duwan kana ad ku soo kortay, uu xambaarsan yahay aragti ka duwan tan aad adigu aaminsantahay.
Haddii kala duwaanshahaas aynu kor ku sheegnay uu yahay mid taban, qofka aad saaxiib ka yeeltayna uu yahay mid  kaaga roon dhinacyada nolosha qaarkeed, hadduu yahay mid kaa cibaado badan, halka aad adigu tusaale ahaan ka dhawrto shanta salaadood, isagu raacsada oo anay marna dhaafin salaadaha habeenkii ee sunaha, ama sooma maalmo kooban bil walba, halka aad adigu ku dedaasho gudashada waajibka soonka bisha ramadaan, ama uu saaxiibka ama saaxiibadda aad dooratay uu yahay mid ku fiican waxbarashada marka adiga laguu eego, ama ku eega dhacdooyinka nolosha eegmo togan, waxa aad is aragtaa adiga oo talaabo talaabo ugu dhawaanaya dhaqamada saaxiibkaa, taasina waa faaiidada ay leedahay saaxiibtinimada fiicani, waana ta ay tahay inaad ku dhegenaato.

Taas caksigeeda waxa dhacda in saaxiibka aad yeelatay uu noqdo mid hoos kuu jiita, ku bara dhaqamo iyo ficilo aanad ku xamdiyin, ama aad ka dhaxasho talooyin ku seejiya hadafkaaga nolosha, waana khasaaraha saaxiibka xun, waana midka ay tahay inaad ka dheeraato, waxa la yidhaahdaa “Bidaari sibiq bay kugu gashaa” waxaa suuragal ah inaanad fursad u helin inaad xulato saaxiib haboon balse aad is aragto wakhti aanay talo gacantaada ku jirin waana saxabta aan cinwaanka uga dhigay "Doorashada saaxiibka fiican".


 “Taladu waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo”

W/Q Abdirisak Sajin

Saturday, August 8, 2015

Talooyin la xadhiidha Wakhtiyada Imtixaanka


Waxa marar badan la arkaa in ardaydu ay werwer badan isku abuuraan marka imtixaanku soo dhawaado, isku dayaana inay wax badan koobaan muddo gaaban, laakiin maxay tahay qaababka ugu fiican ee loogu diyaar garoobi karo imtixaanka?
iyada oo ay dabcan ku xidhan tahay heerka imtixaanka iyo nooca uu yahay, guud ahaan qaabaka ugu fiican iyo talooyinka ugu fiican ee arday la siin kara waxa ay yihiin sidan:
v  Si togan u feker, si Adagna u dedaal

positiveguru.wordpress.com
Ka fogow fikirada taban marna maskaxda ha gashan inaanad imtixaanka guulaysanayn, sida aad u guulaysato waxa shardi ah inaad aaminsanaato inaad hawsha qaban karto ka hor inta aanad ku dhaqaaqin inaad qabatid, hadaad rabto inaad laag biyo ah ka dulboodo sawiro naftaada adoo geesta kale taagan, balse ha sawiran adoo ku dhex dhacay biyihii waayo qaabka fikirkaagu waxay qayb ka tahay fulintaada.
Dadka guul ka gaadhay noloshooda waxa ay arkayeen muuqaalka guusha iyaga oo aan wali gaadhin.
Ardayga inbadan waxbarashada ku dheeraaday ee sanado dheer wax baranayay markuu is horkeeno muuqaalka isaga oo guul ka gaadhay dedaalkaas dheer, iyo dareenka naftiisa oo hanwayn iyo waalidkii oo ku faanaya, waxay fududaysaa inuu dhabarka u ridan karo inuu sii wada dedaalkaas si firfircooni leh.
………Waxa  uu leeyahay Emerson “haddaad ii sheegto waxa qofka maskaxdiisa ka guuxaya ana waxaa  kuu sheegi karaa qofkaasi waxa uu yahay”………….
Waxa uu yidhi Ibraham Lilkolin “Dadka badankoodu waxay farxdoodu leegtahay inta ay iyagu rajeeyaan inay farxaan”

Sida laga dadhasan karo hadalkaas linkolin hawsha qabashadeeda iyo waxa uu qofku ka aaminsan yahay qabashadeeda waxa ka dhexeeya xidhiidh xoogan.
Marka aad aaminto, iskana dhaadhiciso inaad guulaysan karto, darajo sarena ka keeni karto imtixaanka same dedaal adoon waxba 
iska hagran.


   v Hel wakhti kugu filan:
Sidaad kor ku soo akhriday waxa jira in arday baddan ay hawlo badan u riixdaan illaa wakhtiga imtixaanku soo galayo. Tani waa fikrad khaldan keenina karta in ardaygu aanuu helin wakhti ku filan oo uuku wada koobi karo duruustiii iyo maadooyinkii laga rabay inuu imtixaanka ku galo.
Hel wakhti ku filan inaad ku daboosho maadooyinka aad imtixaanka ku galayso, wakhtigaaga xisaabso, kadibna u qorshee wakhtiga aad haysato iyo kan aad u baahan tahay, ogowna in ay jiraan maadooyin u baahan inaad siiso wakhti ka badan inta ay kuwa kale u baahan yihiin.


  v Isku day inaad cid kale wax la akhrido:
joepuentesblog.com
Inaad koox wax u akhridaan waxay adiga iyo inta kooxdaas kugula jirtaba kaa caawin kartaa inaad buuxiso meelo banana haddii ay jiraan wixii aad soo dhigatay, sida duruus aad ka maqnayd ama kuwo aad ilawday, maadaama aad wax iswaydiinaysaan, waxna ka doodaysaan.
Waxa sidoo kale iyana ka mid ah faa’iidooyinka ka soo bixi kara in aad arday kale wax la akhrisato inaad jawaabo u hesho su’aalo kugu adkaa oo laga yaabo in ardayda kale ay garan karaan.
Isku day inta aad wax akhriskaas ku jirtaan inaad jawaabaha su’aalaha u sharaxdo ardayda kale. Inaad jawaabta sharixi kartaa waxay macnaheedu tahay inaad wax badan ka garanayso mawduuca kana jawaabi karto su’aalaha qoraalka badan u baahan, sida sababee, sharax, ama wax ka qor.
Wax wada akhrintu waxa ay faa’iido leedahay inta aad mawduuca ku jirtaan ee aydaan ka bixin wixii aad qorshaysateen, haddii maadada aad akhriyaysaan ay tahay juquraafi tusaale ahaan isku day inaad taas ku eekaataan, haku mashquulina sheeko iyo inaad ka doodaan mawduucyo aan khusayn maadada aad akhriyaysaan, tani waxay ka hor tagi kartaa in wakhti lumo ama aad ilawdaan macluumaad aad hawl iyo wakhti galiseen si aad u xafidaan ama u fahantaan.
Masuuliyad gaar ah adigu iska saar inaad xubnaha kale ee kooxda ku ilaaliso inaanay ka bixin mawduuca hadba lagu gudo jiro, xasuusina in wakhtigu yahay seef ku jarta haddii aanad jarin.

    v Dib uga shaqee imtixaamaad hore loo qaaday.
Haddii aad heli karto imtixaamaad hore loo qaaday oo heerkaaga ah isku day inaad ka shaqayso.
Tani waxay fursad kuu siin kartaa inaad fahanto qaabka imtixaanka iyo waxa aad filan karto.
Waxa aad sidoo kale uga faa’iidiisan kartaa inaad ku wanaajiso adeegsigaaga wakhtiga adoo qabsanaya wakhtigii loogu talo galay in imtixaanka lagu dhammeeyo kadibna hubinaya in wakhtigii aad u adeegsatay siddii la rabay, iyo inaad qayb walba siisay wakhtigii loo qoondeeyay.

   v Diyaar ahaw!
Maalinta imtixaanka aad galayso diyaarso wixii qalab aad u baahan tahay, ha noqoto wixii sharci ahaan lagaa rabo sida aqoonsi, ama darays ama wixii la mid ah iyo wixii qalab aad u baahanayso imtixaanka gudihiisa, sida laba qalin (si haddii midkood shaqayn waayo aad ka kale u isticmaali karto), qalin qori, mastarad, xisaabiye (haddii laguu ogol yahay), saacad si aad wakhtiga ula socon karto iyo wixii kale aad dareento inaad u baahanayso, adoo hubinaya in shayga aad goobta imtixaanka la galaysaa uu yahay mid laguu ogol yahay.

Ogsoonow ka hortaga ayaa ka fiican daawada, inaad sii tabaabushaysato ayaa ka wacan inaad saacad badhkeed ku lumiso inaad qalin daydaydo ama xisaabiye ka sugto qof ku agfadhiya oo shaqadiisa wata waa haddii laguu ogolaadee.

Haddii ay jiraan xaalado gaar ah isku day inaad ku darsato xisaabto, sida inaad soo diyaarsato tuwaal haddii aad tahay dadka gacmaha ka dhidida waayo haddii warqada aad wax ku qori lahayd qoydo waa mushkillad imtixaanka kaa galaafan karta.


   v Raac tilmaamaha:
www.pinterest.com
U fiirso tilmaamaha warqada imtixaanka, kuna dadaal inaad fahanto waxa lagu waydiiyay, jawaab walba ku qor meesha loogu talo galay.
Su'aasha ood fahantaa waa qayb ka mid ah jawaabta.
Isku day inaad far qurxoon wax ku qorto kana digtoonow inaad masmasaxdo qoraalka tan oo keeni karta in la akhriyi kari waayo qoraarkaaga xataa haddii uu sax yahay.
Ku xisaabtan dhibcaha su’aal walba wadato, kuna dedaal inaad waydiimaha dhibcaha baddan leh wakhti fiican siiso.
Hadday dhacdo inaad waydiin garan waydo ha ku lumin wakhtga oo dhan, hore uga soco haddii wakhti kuu soo hadho isku day adoo dagan inaad xasuusato ama xaliso waydiinta aad horey u soo dhaaftay.
Ha degdegin kuna xisaabtan wakhtiga lagu siiyay, iskuna day inaad sida ugu fiican uga faa’iidaysato wakhtiga lagu siiyay.

   v Imtixaanka dabadii:
Marka aad dibada uga soo baxdo goobta imtixaanka halkaas ku dhaaf imtixaanka maalintaas, wixii aad saxday waa wax kuu qornaa oo Alle ku waafajiyay iyo dedaalkaaga midhihiisii, wixii aad khaladayna waa wax shaydaanku ku ilawsiiyay ama ku hareer mariyay inaad ku tusaale qaadato maahee inaad wakhti ku lumiso kulama gudboona.


Waxaad markaasba bilawdaa diyaargarawga imtixaanka kaas xiga iskuna day inaanad falanqayn imtixaankii tagay, awoodaadana u wareeji imtixaanka kaas xiga.
W/Q: Abdirisak Sajin.


Monday, July 27, 2015

Qiimaha Akhriska/ the value of reading.





Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee uu haysto ruuxa biniaadamka ahi, qof walba oo guul ka gaadhay nolsha waxa uu ka faaiidaystay wakhtigiisa, wakhtigu waa labo ka mid ah waxyaalaha u horeeya ee la iswaydiinayo qiyaamaha ee aanuu qofna ka dhaqaaqayn Illahy hortiisa ilaa uu ka jawaabo, labadaas oo kala ah wakhtigaagii firaaqada iyo dhalinyarinamdii wixii aad ku soo qaadatay, haddaba akhriste maxaa ka fiican kana faiido badan  wakhti firaaqo oo aad haysato inaad fadhiisato goob kuu suurto galinaysa inaad wax akhrido, ka dibna aad kala furto buug, oo aad rogrogto xaashiyaha aqoonta ku duugan bugaas, ama aad u safarto meelo kala duwan oo buugaasi kuu qaadayo oo laga yaabo naanad si kale ku booqateen, ama aad ogaato taariikh iyo sheekooyin dhacay wakhtiyo aanad aduunyada joogin, ama saadaal qoraa uu ka bixiyay waxa laga yaabo mustaqbalku inuu u ekaado, intaas oo dhan iyo in kabadan oo aan la koobi Karin waxaad ku hanatay, wakhti  kooban marka adiga oo fadhiya gurigaaga dhexdiisa, goobtaada shaqada, maqaayada aad shaaha ka cabayso, ama sariirtaada hurdada dusheeda, laakiin tani waa mid ay mooganaan kaga sugan yihiin inbadan oo dadkeena ka mid ahi, waa ay yaryihiin guulayste e, dadka laasima wax akhrisaka, ama qofka bilaaba buug, u kuurgala akhriskiisa, u samra, ka gungaadha kana korodhsada wax dheeraad ah oo aanuu hore u aqoon.
maqaalkan kooban waxa aan ku lafo guri doonaa qiimaha wax akhris uu uleeyahay fardiga iyo bulshdaba.




Qiimaha wax akhriska iyo faaiidooyinkiisa:

Wax akrintu waa shay qiimahiisa laga dharagsan yahay, aan laguna soo koobi Karin qodob iyo laba balse waxa aan halkan ku eegi doonaa qodobo dhawr ah oo uu wax akhrisku ku yeeshay qiimo iyo qaayo sare.

*   Wax akhriska qofka waxa ugu jira ajri wayn, gaar ahaan akhrinta Qur’aanka, iyo culuumta anfacaysa.

*   Akhrisku waa furaha aqoonta, akhrin la’aanteedna ruuxna wax ma barteen, Alifna ha ahaatee, qiimaha aqoontu uleedahay ruuxa iyo bulshada yaana marka koowaadba ka dhigaysa akhriska mid qiime wayn ku fadhida.

*   Akhriska waxa uu inta badan ruuxa u suurto galiyaa inuu kalidii wax barto isaga oo aan kaashan cid kale.

*   Akhriska waxa lagu gaadhaa garashada umadihii hore iyo wixii ay ka tageen, iyo ka faaiidaysashada wixii ay ka tageen, iyada oo la ina faray inaynu ku cibro qaadano dadkii inaga horeeyay.

*   Akhrisku waxa uu sabab u yahay kasbashada xirfado iyo aqoon wax tar leh.

*   Akhrisku waxa uu qofku ku bartaa wixii anfacaya iyo wixii waxyeelo u ah noloshiisa.

*   Akhriska waxa uu qofku ku bartaa caadaysiga dhaqamada wanaagsan ee la mahdiyay, iyo daawaynta dhaqamadiisa inta aan wacnayan.

*   Buugu waa saaxiib kan u wacan, Akhrisku waa madadaalo fiican waktiga firaaqida iyo kalida, Gabayaagii carbeed waa kii lahaa:
Ruuxu cid uu la fadhiisto waxa u roon, kutub ufaaiidaysa aqoon iyo edaab, sida caqli ku dhiirigalinaya.
 Akhrisku waxa uu horemariyaa aragtidaada qof ahaaneed, wax kasta oo aad akhrido waxa kaaga kordhaya aqoon iyo garasho, haddii adiga oo aan suugaanta wax baan ka aqoon, aad akhrido buug ka hadlaya qaybaha suugaanta soomaalida, waxa intaas dabadeed is bedelaysa aragtidaada ku wajahan qaybaha suugaanta aad la kulanto, waxaana aad aragti aqoon leh ku qiimayn kartaa nooca iyo heerka suugaantaas aad la kulantay.

Akhrintu waxa ay kuu suurto galisaa inaad muddo kooban ku hesho tijaabo qof kale ku qaadatay sanaddo.
W/Q: Abdirisak Sajin.
    

Tuesday, July 21, 2015

Hadmaan wax akhriyaa? when to study?



infospace.ischool.syr.edu
Arday badan waxaa natiijadooda imtixaamaadka hoos u dhiga fikrada qaldan ee ah i hawsha diyaarinta imtixaamaadka loo dhigto maalin ama laba ka hor imtixaanka tan oo keenta in maskaxdu qaadi kari waydo inay koobto dhammaan wixii aad u baahnayd in aad diyaariso imtixaanka hortii tan waa laga hor tagi karaa:

Qabo oo dhamaystir wixii hawlo laguu soo diray, sida layliyo ama baadhitaano, waayo barruhu sabab ayuu layliska kuu siiyaa ah inaad dib u eegto wixii aad soo baratay maalintaas.
Wax akhri sanadka oo dhan (xilliga waxbarashada sida semester-ka ama term-ka oo dhan) iskana ilaali fikirka ah “waxa aan wax akhriyi marka imtixaanku soo dhawaado”.
Dib ha u dhigan wax aad maanta qaban karto waayo manta waad joogtaa laakiin barri wax iman ma ogid, gabayaa carbeed ayaa lahaa:
       “Barri uguma dhigto hawsha maanta caajisnimo darteed 
                  waayo barri waa maalinta dadka caajiska ah”
waxaad ogaataa barri inay barri kale ka dambayso, ayna haboon tahy inaad maanta qabsato wixii kuu yaala addoon dib usii dhigan.
Samayso jadwal wax akhris oo waaqici ah, kuna sale nololmaalmeedkaaga, adoo ka faa’iidaysana wakhtiyada kuu haboon inaad wax akhriso, iska ilaali inaad qorshaysato shaqo ka fog inta aad qaban karto, waayo waxa dhici doonta in aanad shaqadaas wada qaban tana ay keento inaad aaminto inaad fulin Karin waxa kuugu qoran jadwalka.
Dooro meel ku haboon wax akhriska kana fog sawaxan iyo waxkasta oo kaa jeediya waxakhriska, sida shaashada talefishanka ama Mobile-ka.
 Jadwalkaaga wax akhris u same wakhtiyo nasasho oo macquul ah, si maskaxdaadu usoo ceshoto firfircoonideedii, Tusaale ahaan nasasho kooban qaado 20-45kii daqiiqaba mar, khasab ma ha in nasashadu ay qorshaysnaato laakiin waxa aad samayn kartaa inaad nasasho qaadato markasta oo aad dareento daal ama aad aragto in awoodaadii wax iska dhimmeen, ka dibna halkii ka sii wad ilaa inta ay gaadhayso wakhigii aad ugu talo gashay inaad ku dhamayso.
Fikrad:
Wakhtiyada ugu fiican in wax la xifdiyo waxa ka mid ah salaada aroornimo dabadeed, isku day inaad ka faa’dayso wakhtigaas, iskana ilaali inaad wax akhrido adoo daalan

Ha isku dayin inaad xiftido dhammaan wixii laguu dhigay, laakiin haddii aad u baahan tahay inaad xiftido macluumaad gaar ah baro oo adeegso qaabka aad shakhsi ahaan  wax ku xifdiyi kartid, waayo dadku isku mid ma aha, ardayduna waxa ay adeegsadaan nidaamyo kala duwan si ay wax u xifdiyaan, qaarkood waa ay ku celceliyaan shayga ay rabaan inay xifdiyaan, kuwo kalena waxa ay jecelyihiin inay qoraan wixii ay rabeen inay xifdiyaan, kuwo kale waxay samaystaan khariirad maskaxeed ay ku xasuustaan macluumaadkaas sida in ay soo gaabsadaan xarfaha u hereeya jumladaa la rabo in la xifdiyo, adigu qaabkeed wax ku xifdiyi kartaa?
Mid ka mid ah asxaabtayda ayaan waligiis la arkin isaga oo wax xifdiyaya, hase ahaatee marwalba imtixaanka waxa uu ahaa ka u darajo sareeyaa markii sirta la waydiiyayna waxa uu sheegay in aanuu wax akhriska wax ku xifdiyin balse  dhagaysiga uu ku xifdiyo karo sidaa darteed sharaxa baraha ayaa xifdi ugu filnaa, haddii uu sharaxa baraha ka maqnaana mid ardayda ka mid ah ayuu ka codsan jiray inuu ugu celiyo oo ku dul akhriyo casharkaas si uu u xifdiyo.
Haday noqoto inaad dib u qorto wixii aad soo dhigatay, ama inaad duubto codkaaga ood dib udhagaysato, ama meel cidlo ah fadhiisato oo ku celceliso casharadii aad dhigatay, kolba dariiqada  aad isleedahay waxa ay keensan kartaa inaaad si fiican wax u xifdido baro, oo ku dhaqan.
Hel hurdo iyo nasasho kugu filan, inaad hurdo kugu filan hashaa waxay door wayn ka ciyaartaa caafimaadkaaaga, waxaana ay kor u qaadaa awoodaada fahanka iyo xifdinta, tan macnaheedo maaha inaad seexato hurdo ka badan inta aad u baahantahay.
Sida uu ku talinayaan khubarada caafimaadka qofka da’diisu u dhaxayso 11 ilaa 17 sano waxa uu ubaahan yahay hurdo 8.5 ilaa 9.5 saacadood, qofka da’diisu ka wayntahay 18 sanno waxa uu ubaahan yahay 7 ilaa 9 saacadood.

Sidoo kale ku dadaaal inaad hesho cunto dheelitiran, iyo cabitaano caafimaaad ahaan kuu fiican oo kaa caawin karo inay dhisaan awooda xifdiga iyo xasuusta.  Waxa uu ku talinayaa professor Sarrah Moore, qoraaga labaad ee buuga The Ultimate Study Skills Handbook, “cabitaan badan cab, quraac fiican oo caafimaad qabtana cun”.
Waxa uu sidoo kale xusayaa xamdi C.lahi C.cadim,  qoraaga silsilada buugaagta kobcinta xirfadaha ardayga muslinkaah, buugoosa koowaad ee “fan al Mudakarah” marka u ka hadlayo wax yaalaha keena ilawga, “ dayacida xaqa jidhaku uu leeyahay, sida in lagu daryeeli waayo cuntada caafimaadka qabta, cuntada oo la badsado, hurdada oo ku yaraata, ama aad kuugu badata, ama daalka daran iyo soo jeedka saamalaylka ah ayaa sabab u nqon kara ilawga”
Samee wax akhris dheeraad ah, ha isku kooobin wixii barruhu kuu dhigay, waayo barruhu waa tilmaame, waxaana uu ku tusaa dariiq balse adiga ayay tahay inaad dariiqaas raacdo, kana gun gaadho.

Haddii aanad markii hore ahayn mid wax akhriya, ka bilow meel fudud iskuna day inaad inyar akhrido, adoo akhriyaya buugag kala duwan, waxa fiican sidoo kale inaanad isku koobin akhrinta buugaagta aad dhigatid oo kaliya, laakiin waxa aad akhriyi kartaa buugaagta sheekooyinka, fanka, aqoonta guud ama suugaanta, kolba wixii aad xiisayso iyada oo ay aqooni kaaga kordhi karto isla markaan ay keensan karto inaad jeclaato inaad inbadan wax akhrido.




Waxa qoray: Abdirisak Sajin 

  
    

Monday, July 20, 2015

Ku soo dhawaow Ardayga Maanta

Ma tahay Arday?
Hadday jawaabtu haa, bloggan adiga ayaa laguugu talo galay, waxa aad ka helaysaa waxyaalo faa'iido badan leh oo  khuseeya ardayga iyo ardaynimada.
waxa aad ka helaysaa talooyin ku saabsan waxbarshada, qaababka ugu fiican ee loogu diyaargaroobo imtixaamaadka, hiigsigaaga, iyo talooyin badan oo aan hubo inay ku anfici doonaan.

feel free to like, follow comment and subscribe. thanks