Saturday, August 8, 2015

Talooyin la xadhiidha Wakhtiyada Imtixaanka


Waxa marar badan la arkaa in ardaydu ay werwer badan isku abuuraan marka imtixaanku soo dhawaado, isku dayaana inay wax badan koobaan muddo gaaban, laakiin maxay tahay qaababka ugu fiican ee loogu diyaar garoobi karo imtixaanka?
iyada oo ay dabcan ku xidhan tahay heerka imtixaanka iyo nooca uu yahay, guud ahaan qaabaka ugu fiican iyo talooyinka ugu fiican ee arday la siin kara waxa ay yihiin sidan:
v  Si togan u feker, si Adagna u dedaal

positiveguru.wordpress.com
Ka fogow fikirada taban marna maskaxda ha gashan inaanad imtixaanka guulaysanayn, sida aad u guulaysato waxa shardi ah inaad aaminsanaato inaad hawsha qaban karto ka hor inta aanad ku dhaqaaqin inaad qabatid, hadaad rabto inaad laag biyo ah ka dulboodo sawiro naftaada adoo geesta kale taagan, balse ha sawiran adoo ku dhex dhacay biyihii waayo qaabka fikirkaagu waxay qayb ka tahay fulintaada.
Dadka guul ka gaadhay noloshooda waxa ay arkayeen muuqaalka guusha iyaga oo aan wali gaadhin.
Ardayga inbadan waxbarashada ku dheeraaday ee sanado dheer wax baranayay markuu is horkeeno muuqaalka isaga oo guul ka gaadhay dedaalkaas dheer, iyo dareenka naftiisa oo hanwayn iyo waalidkii oo ku faanaya, waxay fududaysaa inuu dhabarka u ridan karo inuu sii wada dedaalkaas si firfircooni leh.
………Waxa  uu leeyahay Emerson “haddaad ii sheegto waxa qofka maskaxdiisa ka guuxaya ana waxaa  kuu sheegi karaa qofkaasi waxa uu yahay”………….
Waxa uu yidhi Ibraham Lilkolin “Dadka badankoodu waxay farxdoodu leegtahay inta ay iyagu rajeeyaan inay farxaan”

Sida laga dadhasan karo hadalkaas linkolin hawsha qabashadeeda iyo waxa uu qofku ka aaminsan yahay qabashadeeda waxa ka dhexeeya xidhiidh xoogan.
Marka aad aaminto, iskana dhaadhiciso inaad guulaysan karto, darajo sarena ka keeni karto imtixaanka same dedaal adoon waxba 
iska hagran.


   v Hel wakhti kugu filan:
Sidaad kor ku soo akhriday waxa jira in arday baddan ay hawlo badan u riixdaan illaa wakhtiga imtixaanku soo galayo. Tani waa fikrad khaldan keenina karta in ardaygu aanuu helin wakhti ku filan oo uuku wada koobi karo duruustiii iyo maadooyinkii laga rabay inuu imtixaanka ku galo.
Hel wakhti ku filan inaad ku daboosho maadooyinka aad imtixaanka ku galayso, wakhtigaaga xisaabso, kadibna u qorshee wakhtiga aad haysato iyo kan aad u baahan tahay, ogowna in ay jiraan maadooyin u baahan inaad siiso wakhti ka badan inta ay kuwa kale u baahan yihiin.


  v Isku day inaad cid kale wax la akhrido:
joepuentesblog.com
Inaad koox wax u akhridaan waxay adiga iyo inta kooxdaas kugula jirtaba kaa caawin kartaa inaad buuxiso meelo banana haddii ay jiraan wixii aad soo dhigatay, sida duruus aad ka maqnayd ama kuwo aad ilawday, maadaama aad wax iswaydiinaysaan, waxna ka doodaysaan.
Waxa sidoo kale iyana ka mid ah faa’iidooyinka ka soo bixi kara in aad arday kale wax la akhrisato inaad jawaabo u hesho su’aalo kugu adkaa oo laga yaabo in ardayda kale ay garan karaan.
Isku day inta aad wax akhriskaas ku jirtaan inaad jawaabaha su’aalaha u sharaxdo ardayda kale. Inaad jawaabta sharixi kartaa waxay macnaheedu tahay inaad wax badan ka garanayso mawduuca kana jawaabi karto su’aalaha qoraalka badan u baahan, sida sababee, sharax, ama wax ka qor.
Wax wada akhrintu waxa ay faa’iido leedahay inta aad mawduuca ku jirtaan ee aydaan ka bixin wixii aad qorshaysateen, haddii maadada aad akhriyaysaan ay tahay juquraafi tusaale ahaan isku day inaad taas ku eekaataan, haku mashquulina sheeko iyo inaad ka doodaan mawduucyo aan khusayn maadada aad akhriyaysaan, tani waxay ka hor tagi kartaa in wakhti lumo ama aad ilawdaan macluumaad aad hawl iyo wakhti galiseen si aad u xafidaan ama u fahantaan.
Masuuliyad gaar ah adigu iska saar inaad xubnaha kale ee kooxda ku ilaaliso inaanay ka bixin mawduuca hadba lagu gudo jiro, xasuusina in wakhtigu yahay seef ku jarta haddii aanad jarin.

    v Dib uga shaqee imtixaamaad hore loo qaaday.
Haddii aad heli karto imtixaamaad hore loo qaaday oo heerkaaga ah isku day inaad ka shaqayso.
Tani waxay fursad kuu siin kartaa inaad fahanto qaabka imtixaanka iyo waxa aad filan karto.
Waxa aad sidoo kale uga faa’iidiisan kartaa inaad ku wanaajiso adeegsigaaga wakhtiga adoo qabsanaya wakhtigii loogu talo galay in imtixaanka lagu dhammeeyo kadibna hubinaya in wakhtigii aad u adeegsatay siddii la rabay, iyo inaad qayb walba siisay wakhtigii loo qoondeeyay.

   v Diyaar ahaw!
Maalinta imtixaanka aad galayso diyaarso wixii qalab aad u baahan tahay, ha noqoto wixii sharci ahaan lagaa rabo sida aqoonsi, ama darays ama wixii la mid ah iyo wixii qalab aad u baahanayso imtixaanka gudihiisa, sida laba qalin (si haddii midkood shaqayn waayo aad ka kale u isticmaali karto), qalin qori, mastarad, xisaabiye (haddii laguu ogol yahay), saacad si aad wakhtiga ula socon karto iyo wixii kale aad dareento inaad u baahanayso, adoo hubinaya in shayga aad goobta imtixaanka la galaysaa uu yahay mid laguu ogol yahay.

Ogsoonow ka hortaga ayaa ka fiican daawada, inaad sii tabaabushaysato ayaa ka wacan inaad saacad badhkeed ku lumiso inaad qalin daydaydo ama xisaabiye ka sugto qof ku agfadhiya oo shaqadiisa wata waa haddii laguu ogolaadee.

Haddii ay jiraan xaalado gaar ah isku day inaad ku darsato xisaabto, sida inaad soo diyaarsato tuwaal haddii aad tahay dadka gacmaha ka dhidida waayo haddii warqada aad wax ku qori lahayd qoydo waa mushkillad imtixaanka kaa galaafan karta.


   v Raac tilmaamaha:
www.pinterest.com
U fiirso tilmaamaha warqada imtixaanka, kuna dadaal inaad fahanto waxa lagu waydiiyay, jawaab walba ku qor meesha loogu talo galay.
Su'aasha ood fahantaa waa qayb ka mid ah jawaabta.
Isku day inaad far qurxoon wax ku qorto kana digtoonow inaad masmasaxdo qoraalka tan oo keeni karta in la akhriyi kari waayo qoraarkaaga xataa haddii uu sax yahay.
Ku xisaabtan dhibcaha su’aal walba wadato, kuna dedaal inaad waydiimaha dhibcaha baddan leh wakhti fiican siiso.
Hadday dhacdo inaad waydiin garan waydo ha ku lumin wakhtga oo dhan, hore uga soco haddii wakhti kuu soo hadho isku day adoo dagan inaad xasuusato ama xaliso waydiinta aad horey u soo dhaaftay.
Ha degdegin kuna xisaabtan wakhtiga lagu siiyay, iskuna day inaad sida ugu fiican uga faa’iidaysato wakhtiga lagu siiyay.

   v Imtixaanka dabadii:
Marka aad dibada uga soo baxdo goobta imtixaanka halkaas ku dhaaf imtixaanka maalintaas, wixii aad saxday waa wax kuu qornaa oo Alle ku waafajiyay iyo dedaalkaaga midhihiisii, wixii aad khaladayna waa wax shaydaanku ku ilawsiiyay ama ku hareer mariyay inaad ku tusaale qaadato maahee inaad wakhti ku lumiso kulama gudboona.


Waxaad markaasba bilawdaa diyaargarawga imtixaanka kaas xiga iskuna day inaanad falanqayn imtixaankii tagay, awoodaadana u wareeji imtixaanka kaas xiga.
W/Q: Abdirisak Sajin.


1 comment:

Fadlan halkan ku dhaaf wixii faallo ah