Xikmad ayaa tidhaahda “qofka waxaa laga gartaa saaxiibka uu yeesho”
waxa had iyo goor la arkaa in qofku uu la saaxiibo qof ay isku xagal waxka arkaan,
ama ay wax uun wadaagaan haba yaraatee.
Saaxiibku waa qof aad ku kalsoonaatahay, oo aad la qaybsato ra’yigaaga,
fikradahaaga iyo aragtiyahaaga gaarka ah ee xataa laga yaabo inaanad la
wadaagteen waalidkaa ama dadkale oo kuu dhaw, waxa jira waxyaalo aanad
jeclaateen in cidkale ogaato laakiin aad kalsooni ka dareento in aad la
qaybsato saaxiibkaa ama saaxiibadaa, taas macnaheedu waxay tahay waa qof kaaga
duwan dadka inta kale, kaaga dhaw, aad la qaadato wakhti kan ugu badan.
Adiga iyo qofka aad saaxiibka ka dhigatay waxa laga yaabaa inaad
waxyaabo badan wadaagtaan, laga yaabaa inaad jeceshihiin siyaasada iyo ka
faaloodka dhacdooyinka dalka ama kuwa dunida, laga yaabaa inaad wada xiisaysaan
kubadda cagta, ama lagayabaa inaad aad uga heshaan akhriska sheekooyinka mala
awaalka ah, amaba u safrida meelo aanad hore u arag, ama waxyaaloo kale, siday
doontaba ha ahaatee tani macnaheedu maaha inaad waxwalba iskaga mid tihiin,
waxa dhici karta in qofka aad saaxiib ka dhigatay uu ku soo koray deegaan ka
duwan kana ad ku soo kortay, uu xambaarsan yahay aragti ka duwan tan aad adigu
aaminsantahay.
Haddii kala duwaanshahaas aynu kor ku sheegnay uu yahay mid taban,
qofka aad saaxiib ka yeeltayna uu yahay mid
kaaga roon dhinacyada nolosha qaarkeed, hadduu yahay mid kaa cibaado
badan, halka aad adigu tusaale ahaan ka dhawrto shanta salaadood, isagu
raacsada oo anay marna dhaafin salaadaha habeenkii ee sunaha, ama sooma maalmo
kooban bil walba, halka aad adigu ku dedaasho gudashada waajibka soonka bisha
ramadaan, ama uu saaxiibka ama saaxiibadda aad dooratay uu yahay mid ku fiican
waxbarashada marka adiga laguu eego, ama ku eega dhacdooyinka nolosha eegmo
togan, waxa aad is aragtaa adiga oo talaabo talaabo ugu dhawaanaya dhaqamada
saaxiibkaa, taasina waa faaiidada ay leedahay saaxiibtinimada fiicani, waana ta
ay tahay inaad ku dhegenaato.
Taas caksigeeda waxa dhacda in saaxiibka aad yeelatay uu noqdo mid
hoos kuu jiita, ku bara dhaqamo iyo ficilo aanad ku xamdiyin, ama aad ka
dhaxasho talooyin ku seejiya hadafkaaga nolosha, waana khasaaraha saaxiibka
xun, waana midka ay tahay inaad ka dheeraato, waxa la yidhaahdaa “Bidaari sibiq
bay kugu gashaa” waxaa suuragal ah inaanad fursad u helin inaad xulato saaxiib
haboon balse aad is aragto wakhti aanay talo gacantaada ku jirin waana saxabta
aan cinwaanka uga dhigay "Doorashada saaxiibka fiican".
“Taladu waa mar aad gaadhi
waydo iyo mar aad garan waydo”
W/Q Abdirisak Sajin
W/Q Abdirisak Sajin
No comments:
Post a Comment
Fadlan halkan ku dhaaf wixii faallo ah