Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee uu haysto ruuxa
biniaadamka ahi, qof walba oo guul ka gaadhay nolsha waxa uu ka faaiidaystay
wakhtigiisa, wakhtigu waa labo ka mid ah waxyaalaha u horeeya ee la
iswaydiinayo qiyaamaha ee aanuu qofna ka dhaqaaqayn Illahy hortiisa ilaa uu ka
jawaabo, labadaas oo kala ah wakhtigaagii firaaqada iyo dhalinyarinamdii wixii
aad ku soo qaadatay, haddaba akhriste maxaa ka fiican kana faiido badan wakhti firaaqo oo aad haysato inaad
fadhiisato goob kuu suurto galinaysa inaad wax akhrido, ka dibna aad kala furto
buug, oo aad rogrogto xaashiyaha aqoonta ku duugan bugaas, ama aad u safarto
meelo kala duwan oo buugaasi kuu qaadayo oo laga yaabo naanad si kale ku
booqateen, ama aad ogaato taariikh iyo sheekooyin dhacay wakhtiyo aanad
aduunyada joogin, ama saadaal qoraa uu ka bixiyay waxa laga yaabo mustaqbalku
inuu u ekaado, intaas oo dhan iyo in kabadan oo aan la koobi Karin waxaad ku
hanatay, wakhti kooban marka adiga oo
fadhiya gurigaaga dhexdiisa, goobtaada shaqada, maqaayada aad shaaha ka
cabayso, ama sariirtaada hurdada dusheeda, laakiin tani waa mid ay mooganaan
kaga sugan yihiin inbadan oo dadkeena ka mid ahi, waa ay yaryihiin guulayste e,
dadka laasima wax akhrisaka, ama qofka bilaaba buug, u kuurgala akhriskiisa, u
samra, ka gungaadha kana korodhsada wax dheeraad ah oo aanuu hore u aqoon.
maqaalkan kooban waxa aan ku lafo guri doonaa qiimaha wax
akhris uu uleeyahay fardiga iyo bulshdaba.
Qiimaha wax akhriska iyo faaiidooyinkiisa:
Wax akrintu waa shay qiimahiisa laga dharagsan yahay,
aan laguna soo koobi Karin qodob iyo laba balse waxa aan halkan ku eegi doonaa
qodobo dhawr ah oo uu wax akhrisku ku yeeshay qiimo iyo qaayo sare.
Wax
akhriska qofka waxa ugu jira ajri wayn, gaar ahaan akhrinta Qur’aanka, iyo
culuumta anfacaysa.
Akhrisku
waa furaha aqoonta, akhrin la’aanteedna ruuxna wax ma barteen, Alifna ha
ahaatee, qiimaha aqoontu uleedahay ruuxa iyo bulshada yaana marka koowaadba ka
dhigaysa akhriska mid qiime wayn ku fadhida.
Akhriska
waxa uu inta badan ruuxa u suurto galiyaa inuu kalidii wax barto isaga oo aan
kaashan cid kale.
Akhriska
waxa lagu gaadhaa garashada umadihii hore iyo wixii ay ka tageen, iyo ka
faaiidaysashada wixii ay ka tageen, iyada oo la ina faray inaynu ku cibro
qaadano dadkii inaga horeeyay.
Akhrisku
waxa uu sabab u yahay kasbashada xirfado iyo aqoon wax tar leh.
Akhrisku
waxa uu qofku ku bartaa wixii anfacaya iyo wixii waxyeelo u ah noloshiisa.
Akhriska
waxa uu qofku ku bartaa caadaysiga dhaqamada wanaagsan ee la mahdiyay, iyo
daawaynta dhaqamadiisa inta aan wacnayan.
Buugu
waa saaxiib kan u wacan, Akhrisku waa madadaalo fiican waktiga firaaqida iyo
kalida, Gabayaagii carbeed waa kii lahaa:
Ruuxu
cid uu la fadhiisto waxa u roon, kutub ufaaiidaysa aqoon iyo edaab, sida caqli ku
dhiirigalinaya.
Akhrisku waxa uu horemariyaa aragtidaada qof ahaaneed, wax kasta oo aad akhrido waxa kaaga kordhaya aqoon iyo garasho, haddii adiga oo aan suugaanta wax baan ka aqoon, aad akhrido buug ka hadlaya qaybaha suugaanta soomaalida, waxa intaas dabadeed is bedelaysa aragtidaada ku wajahan qaybaha suugaanta aad la kulanto, waxaana aad aragti aqoon leh ku qiimayn kartaa nooca iyo heerka suugaantaas aad la kulantay.
Akhrisku waxa uu horemariyaa aragtidaada qof ahaaneed, wax kasta oo aad akhrido waxa kaaga kordhaya aqoon iyo garasho, haddii adiga oo aan suugaanta wax baan ka aqoon, aad akhrido buug ka hadlaya qaybaha suugaanta soomaalida, waxa intaas dabadeed is bedelaysa aragtidaada ku wajahan qaybaha suugaanta aad la kulanto, waxaana aad aragti aqoon leh ku qiimayn kartaa nooca iyo heerka suugaantaas aad la kulantay.
W/Q: Abdirisak Sajin.
Waad mahdsnthy inbdn wall
ReplyDeleteUstaad ShukraN jazaka Laah Qeer
ReplyDeleteMasha allah waa qoraal qiimo badan Allah yabarak
ReplyDeleteAlle ha kaa abaaliyo wllo aad iyo aad maad u mahadsanthy
ReplyDelete