Arday badan waxaa natiijadooda imtixaamaadka hoos u dhiga fikrada qaldan ee ah i hawsha diyaarinta imtixaamaadka loo dhigto maalin ama laba ka hor imtixaanka tan oo keenta in maskaxdu qaadi kari waydo inay koobto dhammaan wixii aad u baahnayd in aad diyaariso imtixaanka hortii tan waa laga hor tagi karaa:
Qabo oo dhamaystir wixii hawlo laguu soo diray, sida layliyo ama
baadhitaano, waayo barruhu sabab ayuu layliska kuu siiyaa ah inaad dib u eegto
wixii aad soo baratay maalintaas.
Wax akhri sanadka oo dhan (xilliga waxbarashada sida semester-ka
ama term-ka oo dhan) iskana ilaali fikirka ah “waxa aan wax akhriyi marka
imtixaanku soo dhawaado”.
Dib ha u dhigan wax aad maanta qaban karto waayo manta waad joogtaa
laakiin barri wax iman ma ogid, gabayaa carbeed ayaa lahaa:
“Barri uguma dhigto hawsha maanta caajisnimo darteed
waayo barri waa maalinta dadka caajiska ah”
“Barri uguma dhigto hawsha maanta caajisnimo darteed
waayo barri waa maalinta dadka caajiska ah”
waxaad ogaataa barri inay barri kale ka dambayso, ayna haboon tahy
inaad maanta qabsato wixii kuu yaala addoon dib usii dhigan.
Samayso jadwal wax akhris oo waaqici ah, kuna sale
nololmaalmeedkaaga, adoo ka faa’iidaysana wakhtiyada kuu haboon inaad wax
akhriso, iska ilaali inaad qorshaysato shaqo ka fog inta aad qaban karto, waayo
waxa dhici doonta in aanad shaqadaas wada qaban tana ay keento inaad aaminto
inaad fulin Karin waxa kuugu qoran jadwalka.
Dooro meel ku haboon wax akhriska kana fog sawaxan iyo waxkasta oo kaa
jeediya waxakhriska, sida shaashada talefishanka ama Mobile-ka.
Jadwalkaaga wax akhris u same
wakhtiyo nasasho oo macquul ah, si maskaxdaadu usoo ceshoto firfircoonideedii, Tusaale
ahaan nasasho kooban qaado 20-45kii daqiiqaba mar, khasab ma ha in nasashadu ay
qorshaysnaato laakiin waxa aad samayn kartaa inaad nasasho qaadato markasta oo
aad dareento daal ama aad aragto in awoodaadii wax iska dhimmeen, ka dibna
halkii ka sii wad ilaa inta ay gaadhayso wakhigii aad ugu talo gashay inaad ku
dhamayso.
Fikrad:
Wakhtiyada
ugu fiican in wax la xifdiyo waxa ka mid ah salaada aroornimo dabadeed, isku
day inaad ka faa’dayso wakhtigaas, iskana ilaali inaad wax akhrido adoo daalan
Ha isku dayin inaad xiftido dhammaan wixii laguu dhigay, laakiin
haddii aad u baahan tahay inaad xiftido macluumaad gaar ah baro oo adeegso
qaabka aad shakhsi ahaan wax ku xifdiyi
kartid, waayo dadku isku mid ma aha, ardayduna waxa ay adeegsadaan nidaamyo
kala duwan si ay wax u xifdiyaan, qaarkood waa ay ku celceliyaan shayga ay
rabaan inay xifdiyaan, kuwo kalena waxa ay jecelyihiin inay qoraan wixii ay
rabeen inay xifdiyaan, kuwo kale waxay samaystaan khariirad maskaxeed ay ku
xasuustaan macluumaadkaas sida in ay soo gaabsadaan xarfaha u hereeya jumladaa
la rabo in la xifdiyo, adigu qaabkeed wax ku xifdiyi kartaa?
Mid ka mid ah asxaabtayda ayaan waligiis la arkin isaga oo wax xifdiyaya,
hase ahaatee marwalba imtixaanka waxa uu ahaa ka u darajo sareeyaa markii sirta
la waydiiyayna waxa uu sheegay in aanuu wax akhriska wax ku xifdiyin balse dhagaysiga uu ku xifdiyo karo sidaa darteed
sharaxa baraha ayaa xifdi ugu filnaa, haddii uu sharaxa baraha ka maqnaana mid
ardayda ka mid ah ayuu ka codsan jiray inuu ugu celiyo oo ku dul akhriyo
casharkaas si uu u xifdiyo.
Haday noqoto inaad dib u qorto wixii aad soo dhigatay, ama inaad
duubto codkaaga ood dib udhagaysato, ama meel cidlo ah fadhiisato oo ku
celceliso casharadii aad dhigatay, kolba dariiqada aad isleedahay waxa ay keensan kartaa inaaad
si fiican wax u xifdido baro, oo ku dhaqan.
Hel hurdo iyo nasasho kugu filan, inaad hurdo kugu filan hashaa
waxay door wayn ka ciyaartaa caafimaadkaaaga, waxaana ay kor u qaadaa awoodaada
fahanka iyo xifdinta, tan macnaheedo maaha inaad seexato hurdo ka badan inta
aad u baahantahay.
Sida uu ku talinayaan khubarada caafimaadka qofka da’diisu u
dhaxayso 11 ilaa 17 sano waxa uu ubaahan yahay hurdo 8.5 ilaa 9.5 saacadood,
qofka da’diisu ka wayntahay 18 sanno waxa uu ubaahan yahay 7 ilaa 9 saacadood.
Sidoo kale ku dadaaal inaad hesho cunto dheelitiran, iyo cabitaano
caafimaaad ahaan kuu fiican oo kaa caawin karo inay dhisaan awooda xifdiga iyo
xasuusta. Waxa uu ku talinayaa professor
Sarrah Moore, qoraaga labaad ee buuga The Ultimate Study Skills Handbook,
“cabitaan badan cab, quraac fiican oo caafimaad qabtana cun”.
Waxa uu sidoo kale xusayaa xamdi C.lahi C.cadim, qoraaga silsilada buugaagta kobcinta xirfadaha
ardayga muslinkaah, buugoosa koowaad ee “fan al Mudakarah” marka u ka hadlayo
wax yaalaha keena ilawga, “ dayacida xaqa jidhaku uu leeyahay, sida in lagu
daryeeli waayo cuntada caafimaadka qabta, cuntada oo la badsado, hurdada oo ku
yaraata, ama aad kuugu badata, ama daalka daran iyo soo jeedka saamalaylka ah
ayaa sabab u nqon kara ilawga”
Samee
wax akhris dheeraad ah, ha isku kooobin wixii barruhu kuu dhigay, waayo barruhu
waa tilmaame, waxaana uu ku tusaa dariiq balse adiga ayay tahay inaad dariiqaas
raacdo, kana gun gaadho.
Haddii aanad markii hore ahayn mid wax akhriya, ka bilow meel fudud
iskuna day inaad inyar akhrido, adoo akhriyaya buugag kala duwan, waxa fiican
sidoo kale inaanad isku koobin akhrinta buugaagta aad dhigatid oo kaliya,
laakiin waxa aad akhriyi kartaa buugaagta sheekooyinka, fanka, aqoonta guud ama
suugaanta, kolba wixii aad xiisayso iyada oo ay aqooni kaaga kordhi karto isla
markaan ay keensan karto inaad jeclaato inaad inbadan wax akhrido.
Waxa qoray: Abdirisak Sajin
Gambling 101 - The DrmCD
ReplyDeleteGambling 101 is 충청남도 출장마사지 a discussion 세종특별자치 출장샵 board topic for gambling enthusiasts. that, gambling or being a gambler with a 사천 출장마사지 gambling addiction? How can I 광주 출장안마 help 군포 출장샵 you get