Monday, July 27, 2015

Qiimaha Akhriska/ the value of reading.





Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee uu haysto ruuxa biniaadamka ahi, qof walba oo guul ka gaadhay nolsha waxa uu ka faaiidaystay wakhtigiisa, wakhtigu waa labo ka mid ah waxyaalaha u horeeya ee la iswaydiinayo qiyaamaha ee aanuu qofna ka dhaqaaqayn Illahy hortiisa ilaa uu ka jawaabo, labadaas oo kala ah wakhtigaagii firaaqada iyo dhalinyarinamdii wixii aad ku soo qaadatay, haddaba akhriste maxaa ka fiican kana faiido badan  wakhti firaaqo oo aad haysato inaad fadhiisato goob kuu suurto galinaysa inaad wax akhrido, ka dibna aad kala furto buug, oo aad rogrogto xaashiyaha aqoonta ku duugan bugaas, ama aad u safarto meelo kala duwan oo buugaasi kuu qaadayo oo laga yaabo naanad si kale ku booqateen, ama aad ogaato taariikh iyo sheekooyin dhacay wakhtiyo aanad aduunyada joogin, ama saadaal qoraa uu ka bixiyay waxa laga yaabo mustaqbalku inuu u ekaado, intaas oo dhan iyo in kabadan oo aan la koobi Karin waxaad ku hanatay, wakhti  kooban marka adiga oo fadhiya gurigaaga dhexdiisa, goobtaada shaqada, maqaayada aad shaaha ka cabayso, ama sariirtaada hurdada dusheeda, laakiin tani waa mid ay mooganaan kaga sugan yihiin inbadan oo dadkeena ka mid ahi, waa ay yaryihiin guulayste e, dadka laasima wax akhrisaka, ama qofka bilaaba buug, u kuurgala akhriskiisa, u samra, ka gungaadha kana korodhsada wax dheeraad ah oo aanuu hore u aqoon.
maqaalkan kooban waxa aan ku lafo guri doonaa qiimaha wax akhris uu uleeyahay fardiga iyo bulshdaba.




Qiimaha wax akhriska iyo faaiidooyinkiisa:

Wax akrintu waa shay qiimahiisa laga dharagsan yahay, aan laguna soo koobi Karin qodob iyo laba balse waxa aan halkan ku eegi doonaa qodobo dhawr ah oo uu wax akhrisku ku yeeshay qiimo iyo qaayo sare.

*   Wax akhriska qofka waxa ugu jira ajri wayn, gaar ahaan akhrinta Qur’aanka, iyo culuumta anfacaysa.

*   Akhrisku waa furaha aqoonta, akhrin la’aanteedna ruuxna wax ma barteen, Alifna ha ahaatee, qiimaha aqoontu uleedahay ruuxa iyo bulshada yaana marka koowaadba ka dhigaysa akhriska mid qiime wayn ku fadhida.

*   Akhriska waxa uu inta badan ruuxa u suurto galiyaa inuu kalidii wax barto isaga oo aan kaashan cid kale.

*   Akhriska waxa lagu gaadhaa garashada umadihii hore iyo wixii ay ka tageen, iyo ka faaiidaysashada wixii ay ka tageen, iyada oo la ina faray inaynu ku cibro qaadano dadkii inaga horeeyay.

*   Akhrisku waxa uu sabab u yahay kasbashada xirfado iyo aqoon wax tar leh.

*   Akhrisku waxa uu qofku ku bartaa wixii anfacaya iyo wixii waxyeelo u ah noloshiisa.

*   Akhriska waxa uu qofku ku bartaa caadaysiga dhaqamada wanaagsan ee la mahdiyay, iyo daawaynta dhaqamadiisa inta aan wacnayan.

*   Buugu waa saaxiib kan u wacan, Akhrisku waa madadaalo fiican waktiga firaaqida iyo kalida, Gabayaagii carbeed waa kii lahaa:
Ruuxu cid uu la fadhiisto waxa u roon, kutub ufaaiidaysa aqoon iyo edaab, sida caqli ku dhiirigalinaya.
 Akhrisku waxa uu horemariyaa aragtidaada qof ahaaneed, wax kasta oo aad akhrido waxa kaaga kordhaya aqoon iyo garasho, haddii adiga oo aan suugaanta wax baan ka aqoon, aad akhrido buug ka hadlaya qaybaha suugaanta soomaalida, waxa intaas dabadeed is bedelaysa aragtidaada ku wajahan qaybaha suugaanta aad la kulanto, waxaana aad aragti aqoon leh ku qiimayn kartaa nooca iyo heerka suugaantaas aad la kulantay.

Akhrintu waxa ay kuu suurto galisaa inaad muddo kooban ku hesho tijaabo qof kale ku qaadatay sanaddo.
W/Q: Abdirisak Sajin.
    

Tuesday, July 21, 2015

Hadmaan wax akhriyaa? when to study?



infospace.ischool.syr.edu
Arday badan waxaa natiijadooda imtixaamaadka hoos u dhiga fikrada qaldan ee ah i hawsha diyaarinta imtixaamaadka loo dhigto maalin ama laba ka hor imtixaanka tan oo keenta in maskaxdu qaadi kari waydo inay koobto dhammaan wixii aad u baahnayd in aad diyaariso imtixaanka hortii tan waa laga hor tagi karaa:

Qabo oo dhamaystir wixii hawlo laguu soo diray, sida layliyo ama baadhitaano, waayo barruhu sabab ayuu layliska kuu siiyaa ah inaad dib u eegto wixii aad soo baratay maalintaas.
Wax akhri sanadka oo dhan (xilliga waxbarashada sida semester-ka ama term-ka oo dhan) iskana ilaali fikirka ah “waxa aan wax akhriyi marka imtixaanku soo dhawaado”.
Dib ha u dhigan wax aad maanta qaban karto waayo manta waad joogtaa laakiin barri wax iman ma ogid, gabayaa carbeed ayaa lahaa:
       “Barri uguma dhigto hawsha maanta caajisnimo darteed 
                  waayo barri waa maalinta dadka caajiska ah”
waxaad ogaataa barri inay barri kale ka dambayso, ayna haboon tahy inaad maanta qabsato wixii kuu yaala addoon dib usii dhigan.
Samayso jadwal wax akhris oo waaqici ah, kuna sale nololmaalmeedkaaga, adoo ka faa’iidaysana wakhtiyada kuu haboon inaad wax akhriso, iska ilaali inaad qorshaysato shaqo ka fog inta aad qaban karto, waayo waxa dhici doonta in aanad shaqadaas wada qaban tana ay keento inaad aaminto inaad fulin Karin waxa kuugu qoran jadwalka.
Dooro meel ku haboon wax akhriska kana fog sawaxan iyo waxkasta oo kaa jeediya waxakhriska, sida shaashada talefishanka ama Mobile-ka.
 Jadwalkaaga wax akhris u same wakhtiyo nasasho oo macquul ah, si maskaxdaadu usoo ceshoto firfircoonideedii, Tusaale ahaan nasasho kooban qaado 20-45kii daqiiqaba mar, khasab ma ha in nasashadu ay qorshaysnaato laakiin waxa aad samayn kartaa inaad nasasho qaadato markasta oo aad dareento daal ama aad aragto in awoodaadii wax iska dhimmeen, ka dibna halkii ka sii wad ilaa inta ay gaadhayso wakhigii aad ugu talo gashay inaad ku dhamayso.
Fikrad:
Wakhtiyada ugu fiican in wax la xifdiyo waxa ka mid ah salaada aroornimo dabadeed, isku day inaad ka faa’dayso wakhtigaas, iskana ilaali inaad wax akhrido adoo daalan

Ha isku dayin inaad xiftido dhammaan wixii laguu dhigay, laakiin haddii aad u baahan tahay inaad xiftido macluumaad gaar ah baro oo adeegso qaabka aad shakhsi ahaan  wax ku xifdiyi kartid, waayo dadku isku mid ma aha, ardayduna waxa ay adeegsadaan nidaamyo kala duwan si ay wax u xifdiyaan, qaarkood waa ay ku celceliyaan shayga ay rabaan inay xifdiyaan, kuwo kalena waxa ay jecelyihiin inay qoraan wixii ay rabeen inay xifdiyaan, kuwo kale waxay samaystaan khariirad maskaxeed ay ku xasuustaan macluumaadkaas sida in ay soo gaabsadaan xarfaha u hereeya jumladaa la rabo in la xifdiyo, adigu qaabkeed wax ku xifdiyi kartaa?
Mid ka mid ah asxaabtayda ayaan waligiis la arkin isaga oo wax xifdiyaya, hase ahaatee marwalba imtixaanka waxa uu ahaa ka u darajo sareeyaa markii sirta la waydiiyayna waxa uu sheegay in aanuu wax akhriska wax ku xifdiyin balse  dhagaysiga uu ku xifdiyo karo sidaa darteed sharaxa baraha ayaa xifdi ugu filnaa, haddii uu sharaxa baraha ka maqnaana mid ardayda ka mid ah ayuu ka codsan jiray inuu ugu celiyo oo ku dul akhriyo casharkaas si uu u xifdiyo.
Haday noqoto inaad dib u qorto wixii aad soo dhigatay, ama inaad duubto codkaaga ood dib udhagaysato, ama meel cidlo ah fadhiisato oo ku celceliso casharadii aad dhigatay, kolba dariiqada  aad isleedahay waxa ay keensan kartaa inaaad si fiican wax u xifdido baro, oo ku dhaqan.
Hel hurdo iyo nasasho kugu filan, inaad hurdo kugu filan hashaa waxay door wayn ka ciyaartaa caafimaadkaaaga, waxaana ay kor u qaadaa awoodaada fahanka iyo xifdinta, tan macnaheedo maaha inaad seexato hurdo ka badan inta aad u baahantahay.
Sida uu ku talinayaan khubarada caafimaadka qofka da’diisu u dhaxayso 11 ilaa 17 sano waxa uu ubaahan yahay hurdo 8.5 ilaa 9.5 saacadood, qofka da’diisu ka wayntahay 18 sanno waxa uu ubaahan yahay 7 ilaa 9 saacadood.

Sidoo kale ku dadaaal inaad hesho cunto dheelitiran, iyo cabitaano caafimaaad ahaan kuu fiican oo kaa caawin karo inay dhisaan awooda xifdiga iyo xasuusta.  Waxa uu ku talinayaa professor Sarrah Moore, qoraaga labaad ee buuga The Ultimate Study Skills Handbook, “cabitaan badan cab, quraac fiican oo caafimaad qabtana cun”.
Waxa uu sidoo kale xusayaa xamdi C.lahi C.cadim,  qoraaga silsilada buugaagta kobcinta xirfadaha ardayga muslinkaah, buugoosa koowaad ee “fan al Mudakarah” marka u ka hadlayo wax yaalaha keena ilawga, “ dayacida xaqa jidhaku uu leeyahay, sida in lagu daryeeli waayo cuntada caafimaadka qabta, cuntada oo la badsado, hurdada oo ku yaraata, ama aad kuugu badata, ama daalka daran iyo soo jeedka saamalaylka ah ayaa sabab u nqon kara ilawga”
Samee wax akhris dheeraad ah, ha isku kooobin wixii barruhu kuu dhigay, waayo barruhu waa tilmaame, waxaana uu ku tusaa dariiq balse adiga ayay tahay inaad dariiqaas raacdo, kana gun gaadho.

Haddii aanad markii hore ahayn mid wax akhriya, ka bilow meel fudud iskuna day inaad inyar akhrido, adoo akhriyaya buugag kala duwan, waxa fiican sidoo kale inaanad isku koobin akhrinta buugaagta aad dhigatid oo kaliya, laakiin waxa aad akhriyi kartaa buugaagta sheekooyinka, fanka, aqoonta guud ama suugaanta, kolba wixii aad xiisayso iyada oo ay aqooni kaaga kordhi karto isla markaan ay keensan karto inaad jeclaato inaad inbadan wax akhrido.




Waxa qoray: Abdirisak Sajin 

  
    

Monday, July 20, 2015

Ku soo dhawaow Ardayga Maanta

Ma tahay Arday?
Hadday jawaabtu haa, bloggan adiga ayaa laguugu talo galay, waxa aad ka helaysaa waxyaalo faa'iido badan leh oo  khuseeya ardayga iyo ardaynimada.
waxa aad ka helaysaa talooyin ku saabsan waxbarshada, qaababka ugu fiican ee loogu diyaargaroobo imtixaamaadka, hiigsigaaga, iyo talooyin badan oo aan hubo inay ku anfici doonaan.

feel free to like, follow comment and subscribe. thanks