Tuesday, July 25, 2017

15 App oo ay tahay inay ku jiraan Smart phone-ka arday kasta

Waqtigan la joogo adeegsiga moobilada caqliga lihi aad ayay u badan yihiin ku dhawaad arday walba gacanta wuu ku sitaa moobil, haddaba iyada oo aynu ogsoonahay in adeegsiga moobiladu uu ina qaato waqti baddan, waxa aan maqaalkan ku eegayaa 14 App oo lacag la'aan ah oo ku jira Google Play Store oo waqtiga aad ku bixisaa aanuu ahayn mid kaa lumay, waa App-yo faaiidooyinka ay kuu leeyihiin darteed ay tahay lagama maarmaan in  ay kuugu jiraan moobilkaaga.

liiskan hoose App-yada ku jira waxa aan ku soo xulay dhawr sifo:
1. waa inuu ahaadaa App laga helayo Google Play store (Apple App Store waxa aan ku eegi doonaa qormo gaar ah).
2. waa in uu ahaadaa mid lacag la'aan ah (App-yada aan hoos ku xusay qaar gabi ahaan waa bilaash qaarkoodna qaybo ka mad ah ayay tahay inaad iibsato)
3. Waa inuu noqdaa mid faaiidada la dareemi karo u leh ardayga.

Appyada liiskan ku jiraa waxa ay u kala muhiimsan yihiin sida ay ugu kala hooseeyaan liiksa.



15. Gre vocabulay builder


Sid ka muuqata magaca, Gre waa app loogu talo galay barashada  luuqada ingiriisiga gaar ahaan in aad ku dhisto awoodaada luuqadeed ee  dhinaca ereyada, waxa uu ku siinayaa sharaxa kelmeda kadibna waxa uu kugu tusayaa adeegsiga kalmeda jumlad tusaale ah. Waxa uu sidoo kale App-ku leeyahay inuu kugu baro kelmedaha qaab muuqaal ah isaga oo adeegsanaya sawiro aan maskaxdaada hore uga bixin. Is barbardhiga ereyada iyo imtixaan aad ku tijaabin karto horumarkaaga ayaa iyaguna ka mid ah adeegyada aad ka helayso Appka.




14. Simple Mind


Simple Mind waa App kuu sahlaya inaad fikradahaaga u habayso qaab khariiradeed, waa lacag la’aan waa ay fududahay in la isticmaalo , mana laha xaysiisyo ku mashquuliya.





                                            13. Quora

Waydiin kasta oo niyaadaada ku soo dhacda qof ayuunbaa jawaabteeda haya, Quora wax uu suurto galinayaa in suaasha iyo jawaabtu ay is helaan. Suaasha aad qabto marka aad gudbiso waxa aad heli doontaa jawaabo baddan, qof kasta oo akhriya jawaabahaasi waxa uu kor marin doonaa jawaabta uu is leyahay way u fiican tahay isaga oo ku riixaya UPVOTE, jawaabta loogu codka bato ayaa soo Kor maraysa si laysula helo waydiintaadii iyo jawaabta u fiican.
Waa App aad ka koradhsan karto aqoon badan adiga oo dooranaya hadba mawduucyada aad xiisaynayso sidoo kalena aad jawaabo uga hali karto suaalo baddan oo aad qabto.



12. Real Calculator



Arday kasta oo qaadanaya koorasyo xisaabi ku jirto waa lagama maarmaan inuu gacanta ku sito xisaabiyaha loo yaqaano Scientific Calculator, bal se kawaran haddii aad mobile kaaga u badalan karto Scientific Calculator kali ah soo dajiso App-kan oo u muuqaal ahaan eeg scientific calculator una shaqaynaya qaabkii scientific calculator-ka.






11. Alarm Clock Xtreme Free + Timer 


Qofna ma jecla inuu ka daaho hawl uu lahaa, haddii aad fasalo leedahay subaxa hore aad se ka cabsi qabto in ay hurdo kula tagto, App-kan caawimo wayn ayuu kuu noqon karaa. Waxa uu kaga duwan yahay toosiyayaasha kale, malaha dhawaaqii dheeraa ee hal mar soo boodayay, kaasoo keensada in aad hurdada uga toosto si degdeg ah oo kugu keeni karta madax xanuun. Balse app-kan waxa uu leeyahay in codka aad ku xidhataa uu si tartiib tartiib ah sare ugu kaco si aad ugu toosi karto si dabiici ah.
Haddii aad tahay dadka ku noqda hurdada, App-ka waxa uu ka hortigi karaa inaad si fudud u bakhtiiso oo hurdadii sii wadato isaga oo ku waydiinaya inaad xaliso ama ka shaqayso waydiin xisaab ah oo haddii aad si sax ah uga jawaabto ay cadayn u tahay inaad toostay hurdadana aanad ku noqon doonin.


10. Hi Q Mp3 voice recorder

App-kan  waxa loogu talo galay in lagu duubo codadka, waxa aad u adeegsan kartaa inaad ku duubto fikir niyadaada ku jira oo aad ka cabsi qabto aad ilawdo ama sharaxa macalinka oo aad rabto inaad hadhaw dib u dhagaysato. Waxa uu duubayaa cod faseex ah oo tayo sare leh oo aad ku shidi kartana player kasta. Ceebta Appkan ayaa se ah inaad duubi karto oo kali ah 10 daqiiqo clip-kiiba intaa wax ka badan si aad ugu duubato waa inaad kordhisataa oo aad iibsataa qaybta App-ka ee lacagta ah.





 9. Google drive



Adeegan oo Google leeyahay waxa uu meesha ka saaray adeegii hore ee shirkada ee la odhanayay Google Docs, Google drive waa adeeg kuu suurto galinaya inaad faylashaada ku kaydsato cloud-ka, si aad uga heli karto meel kasta marka aad xidhiidsato interner, in aad fayl kuugu jira computer-ka ka siticmaalu karto mobile- kaaga, iyo inaad faylashaada la wadaagi karto cid kale. Masaaxada 15 ka GB ee uu App kuu siinayo lacaglaantu walaw ay kooban tahay haddana waa ay ku filan tahay ardaygu inuu faylashiisa ku sync-garaysto si uu uga hor tago inay faylal muhiim ah ka lumaan.


8. Merriam-Webster Dictionary



Maadaama baddanka waxbarashada sare ee dalka lagu dhigto luuqada ingiriisiga waa lagama maarmaan in uu liiskan ku jiro qaamuus, App-kani waa qaamuus noociisu yahay ingiriisa ku turjun ingiriisa. Meriam-Webster waa qaamuus da’wayn oo caan ah la soo dag ilana tijaabi waxaan ogahay inaand taleefankaaga ka saari doonin.






7. Any.do



Any.do waxa uu badal fudud kuugu noqon karaa Evernote oo aynu kor ku soo xusnay hadii ay kugu adkaato adeegsigiisu. Waa kalender loo dhigay qaab qurux badan oo ay kuu dheer yihiin maaraynta waqtiga, xasuusin iyo in ay kuu astaysnaadaan maalmaha muhiimka kuu ah.







6. Duolingo



Marabtaa inaad barato luuqad cusub ama in aad xoojiso luuqad aad bartay, hadday jawaabtu tahay haa, Duolingo waa App ka ugu fiican ee kuu suurto galin kara taas. Ka baro luuqadaha ingiriisiga, isbanishka, jarmalka, talyaaniga iyo kuwo kale oo baddan. Appka waxa loo dajiyay qaab ku xiiso galinaya oo aanad ka caajisayn isticmaalkiisuna waa bilaash.






5. TED

TED waynu wada naqaanaa, sharax baddan uma baahna, haddii uu App-ku kugu cusub yahay waxa aad hubaal  aragtay bartooda internetka ama waxa aad muuqaaladooda ka daawatay youtube.
TED App-kiisu waxa uu kuu suurto galinayaa inaad daawato kumanaan muuqaal oo dadka ugu maskaxda, hal abuurka iyo raadaynta badani kugula wadaagayaan tijaabooyinkooda nololeed, aqoontooda iyo hal abuurnimadooda. Waxa aad ku daawan kartaa muuqaladaa lacag la’aan adiga oo dooranaya hadba mawduuca aad xiisaynayso waxa aaad sidoo kale la soo degi kartaa muuqaalada si aad ugu daawada intenet la’aan. 



 4. Coursera online courses



Ka waran hadii in ka badan 1,000 kooras oo maado walba ku jirto aad gacanta ku sidan karto, ku daawan karto online, la soo dagi karto si aad ugu daawato offline adoo ku helaya dhammaan lacag la’aan. Coursera waa Appka aad intaasba ka helayso, waxa aad sidoo kale qiimo aan badnayn ku iibsan kartaa shahaadada koorasyada takhasuska ah.






3. Muslim Pro


Xasuusinta waqtiayda salaada haddii aad ka fogtahay addaanka masaajidada, ama aad ku jirto fasal gudihii waa shay qof walba oo muslim ahba u baahan yahay, waxa jira App-yo fara badan oo ku jira Google play oo kuu sheega waqtiga salaada oo aad lacag la’aana aad kula soo dagi karto balse shakhsi ahaan Muslim Pro ayaan aad u jeclaystay.
Adeega adaanka shanta waqti oo aad ku xidhan karto dhawaaqa adaanka ama xasuusin kali ah oo aan adaan lahayn waxa dheer adeegyo kale sida: kalandarka islaamiga ah ee hijiriyada, Qur’aanka oo ay la socoto turjumaad af ingiriisi ah, ducooyin ku qoran luuqadaha carabi iyo ingiriisi oo isku turjuman, magacyada Ilaahay ee 99 ka ah, tusbax aad ku wardido iyo waliba adeegyo kale, Appku waa lacag la’aan waadse iibsan kartaa adeegyadiisa dheeriga ah.





2. EasyBib


Marka aad samaynayso baadhitaan ama aad qorayso buuga qalinjabinta jaamacada isku habaynta ticraacyada waxay noqon karaan kuwo dhib baddan. EaysBib waa qaabka ugu fiican uguna fudud ee aad ku samayn karto ticraac, waxa kaa xigta inaad ku qorto magaca buuga waxa uu markaaba ku siin doonaa ticraacii oo dhamaystiran oo u qoran hadba qaab ka aad doorato, waxa aad ka helaysaa qaabaka kala dywan ee ticraacyada loo qoro oo ay ugu caansan yihiin APA, Chicago/Turbian, MLA iyo kuwo kaloo baddan.




1. Evernote

App kan walaw adeegsigiisu yar kakan yahay waa mid faaiido badan, waxa aad kaga maarmi kartaa  dhammaan App-yada kale ee aad u isticmaali lahayd xasuus qorida, habaynta waqtiga, xasuusinta marka ay soo dhawaadaan waqtiga imtixaamaadka ama celinta mashruucyada iyo layliyada ama hawlaha kale ee laguu diro.
Evernote waxa u leeyahay adeegyada inaad: ku lifaaqo karto sawir, fayl hore u qornaa, cod, qoraal iyo waliba inaad gacantaada ku qori karto qoraal (handwriting), waxa uu sidoo kale Appku leeyahay xasuusiye kuu sheegaya wixii aad rabto inaad xasuusato.
Shaqooyinka baddan ee uu kuu qaban karo darteed ayaan ugu xulay inuu App-kan yahay midka ugu faaiidada badan inta ku jirta liiksan.



Haddii aad tijaabisay app-yada kor ku xusan waa kee kuwa aad kuu cajabiayay ama aad ugu isticmaalka badan tahay?
Ma se jiraan App-yo kale oo aad ku dari lahayd liiskan?
fadlan ku dhaaf faalo xaga hoose.

F.g: Sawirada ku jira maqalka waxa aan ka soo jaray miraayada taleefanka markii aan tijaabinayay
W/Q: Abdirisak Sajin.

No comments:

Post a Comment

Fadlan halkan ku dhaaf wixii faallo ah