Sunday, December 3, 2017

Sida loo samaysto qorshe wax akhris

Marar badan ma is aragtaa adiga oo ka caajisaya inaad wax akhrido?
Ma kugu adkaataa in aad dhammaan wada koobto hawlaha wax akhris ee kuu yaala?
Waxa aad u baahan tahy inaad samayato qorshe wax akhris oo shaqaynaya.
Qorshaha wax akhrisku waa jadwal habaysan oo maaddo walba ugu talo gelaya waqti lagu diyaariyo oo u gaar ah. 

Ahmiyada ay leedahay inaad yeelato qorshe wax akhris

Mihiim ayay u tahay ardaygu inuu yeesho qorshe wax akhris oo u xaddida waqtiyo uu u gaar yeelay wax akhriska oo qudha. Inuu ardaygu yeesho qorshe wax akhis waxa ay ka caawisaa inuu ka dhigo noloshiisa waxbarasho mid isku duba ridan, waxa ay sidoo kale awood u siisaa inuu maamuli karo waqtigiisa.
Waxa lagu taliyaa in halkii saac ee kasta ee cashar ahba aad u hesho laba ama saddex saac oo akhris ah, taas macnaheedu waxay tahay tusaale ahaan haddii aad leedahay laba saac oo xisaab ah todobaadkii (laba xiisadood) waxa aad u baahan tahay 4 ilaa 6 saac todobaad kasta inaad akhrido maadadaaas xisaabta oo keli ah. Haddaba inaad yeelato qorshe wax akhris waxay kuu ogolaanaysaa inaad maaddo walba u heli karto waqti ku filan adiga oo isku beegaya waqtiyadaada firaaqada iyo hawlaha kuu yaala.  
Arday walba waxa uu yeelan karaa qorshe wax akhris oo u gaar ah ma jiro jadwal guud oo ku haboon qof walba maadaama uu qorshuhu ku xidhan yahay wakhtigaaga firaaqada, nooca waxbarashada aad qaadanayso, qaabka aad jecesahahy inaad wax u akhrido, xaddiga waqti ee aad u baahn tahay inaad wax ku akhrido iyo qodobo kaleba. Ardayda qaar in ay todobaadka dhammaadkiisa saacaado baddan shaqeeyaan ayay ka door bidaan inay maalin walba hal saac wax akhriyaan.
Maqaalkan kooban waxa aan ku eegaynaa 5 talaabo oo fudud oo ay tahay inaad qaado si aad u samaysato qorshe wax akhris oo shaqaynaya.

Talaabada 1aad: Ogow ujeedada aad leedahay.


 Ugu horayn waxa aad u baahan tahay inaad ogaato sababta aad wax u akhriyayso iyo ujeedooyinka aad leedahay.
 Is waydii waa maxay natiijada aan ka rabo inay ka soo baxdo dedaalkayga?
Inaad ogaato ujeedooyinkaagu waxa ay kaa caawinaysaa inaad u dejiso qorshahaaga qaab kuu sahli kara inaad gaadho ujeedooyinka aad leedadahay.

Talaabada 2aad: Samee jadwal muujinaya hawl maalmeedyadaaada oo dhan.

Qaado qalin iyo warqad, samee jadwal muujinaya maalintaaada oo dhaan, saacad walba ku hor qor hawsha aad caadi ahaan qabato saacadaas maalin walba, Jadwalkan waxa ay tahay inay ku jiraan dhammaan hawlaha aad qabato maalintaada oo dhan.  Ha noqoto saacadaha aad waxbarasho leedahay, saacadaha nasashada, sidoo kale waqtiyada hurdada, cuntada iyo cibaadada intaba. Marka aad dajeso jadwalka hawlmaalmeedkaaga waxa kuu soo baxaya waqtiyo firaaqo oo ku haboon inaad u goyso wax akhriska.

Talaabada 3aad: Deji jadwalkaaga wax akhris.

Tax dhammaan maadooyinka aad dhigato ee aad rabto inaad akhrido, ka dib marka aad garatay wakhtiyadaada firaaqada, u astee maadooyinka kala duwan waqtiyada firaaqada ee kuu soo baxay, hana ilaawin inaad cadayso saacada aad bilaabayso iyo muddada aad ku talo gashan tahay inaad ku jirto wax akhriska.
Marwalba ha ahaado qorshahaagu mid macquul ah, hadaf si loo gaadho waxa jira laba talaabo oo lagama maarmaan ah, qorshayn iyo fulin, haddii qorshahaagu noqdo mid waaqica ka fug waxa adkaanaysa talaabada labaad oo ah fulinta.

Talaabada 4aad: Ku talo gal waqti nasasho

Wax akhrisku wuxuu ugu faaiido badan yahay waqtiga aad maskax ahaan iyo jidh ahaanba firfircoon tahay, marnaba wax ha akhriyin adoo daalan, hana ku talo galin inaad saacado dhaadheer wax akhrido adoon qaadan nasaho kugu filan.
Mid ka mid ah qaababka loo asteeyo waqti nasasho ayaa ah inaad 40 daqiiqo oo kasta qaadato 15-20 daqiiqo oo nasaho ah. Tani waxa ay maskaxdaada ku ilaalinaysaa inay ahaato mid soo jeeda si aad u fahmi karto wixii aad akhriyaysay.
ku dedaal inaad yarayso ama joojisaba isticmaalka taleefanka gacanta iyo internetka waqtiga aad wax akhriyayso, uga faaiidayso waqytiga nasashada inaad ka jawaabto fariimo ama taleefano wixii ku soo galay si aaanad uga mashquulin ujeedadaada, mar walbana ku talo gal inaad waqti walba qabto wixii kuu qorshaysan oo kali ah,

Talaabda 5aad: Joogtee qorshaha wax akhriska

Inaad joogtayso adeegsiga jadwalka wax akhrisku waa arin aad u  muhiim ah, isku day inaad raacdo jadwalka maalin walba, adiga oo qabanaya hawl walba waqtiga aad u qoondaysay, tani waxa ay fududaynaysaa inaad la qabsato qorshahaaga aad dejisatay.
Inaad maalin qudha inbadan wax akhridaa waxa ka faaiido badan inaad waqti cayiman maalin walba wax akhridaa. Si ay tani kuugu fududaato wakhtiga wax akhriska ka dhigo saacadaha aad ugu firfircoon tahay sida subaxa hore, haddii aanad ahayn dadka jecel inay subaxa hore wax akhriyaan wax aad ka dhigan kartaa fiidkii inta aanad daal ama lulo dareemin kahor.
halkan kala dag tusaale jadwalka wax akhrisaka:

waxa qoray: Abdirisak sajin.
fadlan wixii faalo ah hoos ku dhaaf.